Qarax Lagu Dilay Sarkaal Ka tirsan Dowladda Oo Maanta Ka Dhacay Muqdisho

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geeystay oo maantay masuuliyiin ka tirsan ciidanka dowladda lagu la eegtay xaafad ka tirsan degmada deyniile ee gobolka baanaadir

Qaraxaan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in uu ahaa miino wadada dhinaceeda la galiyay waxaana lala eegtay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda faderaalka soomaaliya

Khasaare kala duwan oo iskugu dhimasho iyo dhaawac ayaa waxa lagu soo waramayaa in uu ka dhshay qaraxaan oo la sheegay in uu haleelay gaari saaruf ah oo uu watay sarkaal ka tirsan ciidan dowladda iyadoo la tilmaamay in qaraxu uu ahaa mid soo boodo ah oo gaari ku dhagay sida wararku ay tilmaaamayaan

inta la xaqiijiyay sarkaal qarax lala eegtay ayaa la sheegay in uu ku geeriyooday ,sarkaalkaasi oo magaciisa lagu sheegay cali bariise
warar ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen ciidamo ka tirsan dowladda oo sarkaalkaan ilaalo u ahaa

waxaana la sheegay in dad shacab ah ay goobta ka qaadeen meydka iyo dadkii kale ee ku dhaawacmay qaraxaasi
majirto war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda oo looga hadlayo qarax qasaaraha dhaliayay ee maantay sarkaal ka tirsanaa ciidanka dowladda lagu dilay

mudooyinkii dambe ayaa waxa magaalada muqdisho kusoo badanayay weerarada qorsheysan iyo qaraxyada lala beegsanayo ciidanka iyo masuuliyiinta dowladda

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here