Khasaare Nafeed Oo Ka Dhashay Tiro Madaafiic Ah Oo Lagu Weeraray Xafado Ka Agdhaw Xalane

0

warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar madaafiic ah oo saakay lagu qaaday xarunta xerada xalane xaafdo aan sidaasi kaga fogeyn

waxaana dad goobjoogayaal ah ayaa sheegeen in qasaare kala duwan oo u badnaa mid nafeed uu  ka dhashay tiro madaafiic ah oo ku dhacay xaafdo ka agdhaw xerada xalane ee magaalada muqdisho

warar ayaa sheegaya in tiro gaareysa ilaa iyo afar madfac ay ku dheeceen xaafadahaasi islamarkaasna ay mid ka mid ah madaafiicdaasi haleeshay guri ay dagnaayeen hal  qeys oo shacab ahaa.

Inta la xaqiijiyay sadax qof oo shacab ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku geeriyoodeen madaaficda lagu garaacay xaafado u dhaw xalane ,waxaana ku dhaawacmay ilaa 4 ruux

Xerada xalane ee muqdisho ayaa waxa xusid mudan in mudooyinkii dambe ay ku shirayeen qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada dalka

iyadoona taasi ay sii dheertahay in ay xerada xalane ku suganyhiin ha,ado iyo wakiilo caalami ah iyo sidookale  madaxweynayaasha puntland iyo juhbbland kuwaasi oo diidan in ay ka qeyb galaan shirka madaxda dowladda oo sadax maalin ka dhacay muqdisho

 

Wali majiirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyada weerarkaasi madaaf9iic ah mana jirto wax war ah oo dowladdu ay kasoo saartay madaafiicda lagu weeraray xaafadaha ka agdhaw xerada xalane

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here