Puntland Oo Ku Dhawaad 20 Qof Ku Xirtay Gaalkacyo

0

wararka naga soo gaaraya deegaanada puntland ayaa waxa lagu soo waramayaan in howlgalo balaaran ay ciidanka puntland ka fulyeen magaalada gaalkacyo ee gobolka mudug

howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in u jeedkoodu uu ahaa xaqiijinta amaanka magalaada galakacyo qeybta puntland ay maamulsho ,waxaana la sheegay in howlgalo qorsheysan oo ay  sameeyay ciidamada puntalnd lagu soo qabqabtay dad farabadan oo dhalinyaro ah

saraakiisha ciidanka ee howlgalada hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in ku dhawaad 20 ruux xabsiga loo taxaabay   kuwaasi oo looga shakisanyahay in ay xiriir la leeyihiin dagaalamayaasha al-shabaab.

Waxaana la sheegay in dhalinyaradaasi lasoo qabqabtay lagu sameeynayo baaritaano kala duwan islamrakaasna lasii danayo marka la xaqiijiyo kadib

sidookale waxaa la sheegay in ciidamada maamulka puntland ay qabqabanayeen dad ka isticmaala ganacsiyada yar yarka ah ee gacmaha iyo garabka lagu sido ,waxaana la sheegay in gabi ahaaanba ganacsiyadaasi laga mamnuucay deegaanada puntland.

Howladaan  ayaa waxa ay kusoo aadayaan xili mudooyinkii dambe fallal amni daro ay ka dhacyeen deegaanada puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here