Dowladda Kenya Oo war Horleeh kasoo saartay mudanka dhanka badda ee kala dhexeeya soomaaliya ayaa waxa ay sheegtay in ay dooneyso in kiiska badda lagu xaliyo meel ka baxsan madaxkamada icj .
waxaana ay sheegtay in ay soomaaliya iyo kenya loo baahanyahay kawada hadlaan arintaani iyo sidii loo soo celin lahaa xiriirka somaliya kenya oo go,ay.
war qoraal ah oo kasoo baxay wasaarada arimaha dibbada kenya ayaa waxa lagu sheegay in ay rabto in kiiska bada aan lagu xalin maxkad islamarkaasna loo baahanyahay in si hoose ay uga wada xaajoodaan soomaaliya iyo kenya .
saacadihii lasoo dhaafay ayaa warar isdaba jooga ah waxa ay kasoo baxayeen dowladda kenya taasi oo ay uga hadleyso kiiska badda ee yaal madaxkamada icj .
waxaana warsaxaafadeed horay uga kasoo baxay kenya lagu sheegtay in maxkamada icj ay u eexatay soomaaliya islamarkaasna ay cadaalad daro ku sameysay kenya,iyadoo usababaysay in muwaadinin soomaaliyeed ay maxkamada u shaqeyaan.
dowladda kenya ayaa diiday in ay xaadirto magaalada heeg oo ay kasocotay dhageysiga dacwada badda soomaaliya iyo kenya
waxaana ay sheegtay in dhowr sababood dartood aysan uga qeyb gali karin dacwadaas oo ay qeyb ka tahay in qareenadeedu aysan diyaar aheyn iyo sababo la xariira cudurka safmarka ah ee covid19
waxaa xusid mudan in madaxkamada ay icj ay soo gabagabesay dhageysiga dacwada badda oo ay ka maqantahay kenya,waxaana laga dhursugaya go,aanka maxkamada oo kenya ay qabsi xoogan ka muujisay

