Al-Shabaab Oo Sheegtay Masuuliyada Qarax Xalay Ka Dhacay Muqdisho

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax qasaraae kala duwan geystay oo xalay ka dhacay gudaha magaalada caasimada ah ee muqdisho
Wararkaan ayaa sheegaya in qaraxaan uu ahaa miino wadada dhineceeda la dhigay islamrkaasna lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda.

Qaraxaan oo Jugta laga maqlay xaafahada iyo degmooyinka gobolka banaadir ayaa waxa uu ka dhacday Wadada Afisyooni, Degmadda Waabari ee gobolka Banaadir.

Qasaare kala duwan oo dhaawac u badan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay qaraxaani,
waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxaan lala eegtay Conel Cumar Cabdiraxmaan oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka,gaar ahaan kuwa Koofi Gaduuda,iyadoona la tilmaamay in qaraxa uu dhaawac ka soo gaaray .

War kasoo baxay Al Shabaab ayay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay hareeraha waddada Afisyooni
waxaana al-shabaab ay sheegeen in qaraxaan uu ku dhaawacmay Co.Cumar Cabdi Raxmaan oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka melleteriga iyo sedax askari oo ilaala u ahaa.

Waxa al-shabaab warka kasoo baxay lagu sheegay in qaraxaan miino ay burbur ku gaarsiiyeen gaarigii ay la socdeen sarkaalka iyo ciidamo ka tirsan dowladda oo nay sheegeen in bartilmaameed koodu ahaa bartilmaameedka ahaa.

“hal askari ayaa dhintay sarkaal iyo ciidamo ilaala u ahaana waa ku dhaawacmeen qarax xalay ka dhacay agagaarka xerada Afisyooni” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay A-shabaab.

qaraxyada nuucaani oo kale ay ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada muqdisho iyo guud ahaan dalka

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here