Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Miino oo caawa ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Wadada Afisyooni, Degmadda Waabari ee gobolka Banaadir.
Sida naloo xaqiijiyay waxaa qaraxaan lala eegtay Conel Cumar Cabdiraxmaan oo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka,gaar ahaan kuwa Koofi Gaduuda,waxaana soo gaaray dhaawac.
Qaraxyadda miinooyinka ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay Magaaladda muqdisho.

