Rooble:-“Shirkii aan La Qaatay Musharaxiinta Waxaan Sameynay Tanaasul Badan”,!

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in la sii wado wadahdalada la xiriira doorashooyinka.

Rooble ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in mudnaan la siiyo danaha qaranka, isla markaana ay dhinacyada siyaasaddu la yimaadaan daacadnimo iyo tanaasul ka tarjumaya waaqca dalku marayo.

“Shirkii aan la qaatay Midowga Musharaxiinta, waxaan sameynay tanaasul badan. Qodobbadii aan ka hadalnay waan isku raacnay marka laga reebo qodob ay ku adkeysteen oo ah in laga qeyb galiyo shirka Madasha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, taas oo la macne ah in dib loo furfuro heshiiskii 17-kii September,2020, oo aanan kaligey xaq u lahayn wax ka baddelkiisa.

Wali Albaabadeydu way u furan yihiin wada hadal iyo is-qancin, si aan xal kama dambeys ah u gaarno dalkana uga hirgalinno doorasho hufan oo si nabad ah ku dhacda.  ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed xuseen Rooble

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here