Taliyaal boolis Ah Oo Xilka Looga Qaaday Burburintii Xarunta Iskuulka Hoyga Xamar

0

Taliyaha ciidanka booliska soomaaliya cabdi xasan maxamed xijaar ayaa waxa uu taliyaal ka tirsan ciidanka booliska uu xillal koodii uga qaaday amar lagu burburiyay xaunta iskuulka hoyga xamar ee muqdisho taasi oo ay hadalheyn badani ka dhalatay.

taliyaha ciidanka booliska ayaa xalay waxa uu xilkii ka qaaday taliyihii qeybta waliyow cade  Bashiir Cabdi Siyaad oo ka tirsanaa ciidanka booliska soomaaliyeed.

waxaana taas badalkeeda uu taliye xijaar magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo Yaasiin Nuur Kheyre yaasiin ganeey

ciidanka booliska soomaaliya ayaa burburiyay qeybo ka mid ah xarunta  iskuulka hoyga xamar ee ku taal agagaarka madaxtooyadii hore ee cabdi qaasim

waxaana taliyaha ciidanka booliska soomaaliya oo dhacdaadaani shalay ka hadlay uu sheegay in taalabo ay ka qaadidoonaan taliyaasha iyo shaqsiyaadka ku lugtaleh falka lagu burburiyay xarunta iskuulka hoyga xamar

Amarka lagu burburiyay xarunta iskuulka hoyga xamar ayaa waxa la sheegay in ay aheyd war qad qoraal ah oo kasoo baxay garyaqaanka guud ee maxkamada maamulka gobolka banaadir

dhismaha xarunta iskuulka ee la burburiyay ayaa waxa taliska ciidanka booliska  uu sheegay in uu dhisdoono

xilka qaadista iyo magacaabista taliyaashaan ayaa waxa ay kusoo aadeeysa xili saacadiihii lasoo dhaafay aad loo hadal hayay burburinta xaunta iskuulka hoyga xamar uu ku shaqeeyo oo ay sheeganayeen gannacsato.

walow la sheegay in dhulka iskuulka uu ku shaqeyo uu yahay dhul dowladeed islamarkaasna ay leedaahay wasaarada waxbarashada dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here