ra’iisul wasaaraha xukuumada faderaalka soomaaliya maxamed xuseen rooble ayaa waxa lagu soo waramayaa in kulamo xasaasi ah uu markale la qaatay midowga mushraxiinta .
raiisul wasaaraha ayaa kulamo albaabadu u xiranyahay oo aan xog badan laga helin la qaatay qaar ka mid midowga murashaxiinta dalka kuwaasi oo dhawan ay xukuumada heshiis muhiim ah gaareen .
Muqaal kooban Oo Lasoo dhigay barta intarneetka raiisul wasaraha ayaa waxa lagu sheegay in hoteelka Jazeera uu raiisul wasaaruhu waqti kula qaatay qeybaha bulshada oo igu biiriyay aragtiyo dhaxal gal ah oo dhinacyo kala duwan taabanaya.
raiisul wasaare rooble ayaa dhanka waxa ay wararku sheegayaan in xalay uu hoyga uu magaalada muqdisho ka dagayahay ku booqday raiisul w2asaarihii hore ee dalka xasan cali kheyre maadaama uusan raiisul wasaarihii hore eedalka uusan ka qeybgalin kulankii dhawaan dhaxmaray miwoga musharaxiinta iyo xukuumada uu hogaamiyo raiisul wasaare rooble
kulan ay la yeesheen raiisul wasaare rooble iyo xasan cali kheyre ayaa waxa la sheegay in uu ahaa mid booqasho iyo salaan ah oo uu raiisul wasaare rooble ugu tagay xasan cali kheyre .
habeen ka hor ayay aheyd markii midowga musharaxiinta iyo raiisul wasare rooble ay heshiis taariikh ah wadagaareen kaasi oo kusaabsaan xaalada siyaasadeed ee dalka .
waxaana heshiiskaasi bogaadiyay dhamaan saaxiibada beesha caalamka ,bulshada soomaaliyeed iyo maamul goboleedyada dalka
kulamadii ugu dambeeyay oo masuuliyiintu qaateen ayaa waxa la sheegay in looga hadlay xaalada dalka gaar ahaana arimaha doorashooyinka iyo sidii horay loogu wadi lahaa

