Kulamo Laiskugu Soo Dhaweynayo Madaxda Dowladda iyo Xubnaha Mucaaradka Oo Ka Socda Muqdisho

0

qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada  ayaa waxa ay  magaalada muqdisho ee caasimada dalka ay ka wadaan kulamo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay kundhexdhaxaadiyaan madaxda dowladda iyo xubnaha mucaaradka kuwaasi oo khilaaf xoogan oo haatan ka dhexeeyo.

madaxweynayaasha dowlad goboleedyada galmudug iyo hirshabeele ayaa waxa lagu soo waramayaan in dadaalo dhowr ah oo lagu xalinayo khilaafaadka sii xopogeysanaya ee xubnaha mucaaradka iyo dowladda

khilaafkaan ayaa waxa uu ka dhashay kadib markii xubnaha mucaaradka ay bananbaxayo iclaamiyeen kuwaasi oo dowladdu ay diiday islamrkaasna ay ku madax adeygeena ay rabshado ka dhasheen taas oo keentay in ciidamada dowladda ay xabadeeyaan xubno ka tirsan mucaaradka  kuwaas oo dad bananbaxayaal ah hogaaminayay .

xubnaha mucaarad oo warbaahinta la hadlay ayaa markale waxa ay ku dhawaaqeen in bananbaxayadaasi ka  baaqday  ay dhigayaan maalinta bari oo jimca ah iydoona ay xusid mudan tahay in dowladdu iyaduna ay ka hadashay

waxaana dowladda oo ka jawaabeysa hadalka mucaaradka ay sheegtay in wax iskusoo baxyo ah aysan jirin cudurka safmarka ah ee karona virus aawgiis

dadka shacabka reer muqdisho  ayaana wadnaha farta kuhaya iygoo ka baqaya in lagu duldagaalamo islamrkaasna uu dalka ka qarxo dagaal sokeeye waxaana dadka shacbka ahi ay baaqyo kala duwan ay udirayeen xubnaha mucaaradka iyo dowladda in ay ka fogaadaan isku dhacyo hubeysan oo dalka qalaalaaso galiya

sikastaba madaxweynayaasha qoor qoor iyo guudlaawe oo kala hogaamiyaha maamulada galmudug iyo hirshabeele ayaa waxa la sheegay in ay wadaan dhaqdhaqaaqyo ay ku xalinayaan arintaani

maanta ayaa waxa la sheegay in labada dhinac ay kulamo la qaadan doonan islamarkaasna waxaa la filayaa in ay ku guulewystaan arintaasi islamarkaasna ay keenan xal dhaxdhaxaad ah oo lagu xalinayo xasrada taagan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here