warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaan duleedka magaalada kismaayo ee gobolka jubbada hoose
duqeymahaan ayaa waxa lagu soo waramayaa in ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka mareykanka kuwaasi oo caawinaad ka helayay saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda
waxaana la sheegay in duqeymaha lala beegsaday saldhigyo dagaalamayaasha al-shabaab ay ku lahaayeen magaalada jamaame
saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaana guulo ka sheegtay duqeymahaasi ka dhacay gobolka jubbada hoose waxaana ay saraakiishu sheegeen in qasaaro ay ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha al-shabaab.
Duqeeyntan oo galabta abaaro sagaal saac kadhacday degaanka Buurta kuumba oo qiyaastii 12 kiilo mitir ujirta magaalada jamaame ee gobolka jubada hoose ayaa lagu burburiyay xarun ay ku sugtnaayeen dagaalamyaasha al-shabaab taasi oo saraakiisha dowladdu ay sheegeen in lagu tababarayay xubno ka tirsanaa al-shabaab.
Duqeeynta oo warar hordhac ah kasoo baxayaan ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay 15 iskugu jirta sarkaal iyo xubno ka tirsanaa al-shabaab kuwaasi oo kusugnaa xarun tababar ah sida lagu sheegay warkasoo baxay dowladda.
Saraakiisha dowladda ayaa intaasi kudaray in dhawacyada iyo meydadka ragaasi loo qaaday degmada jilib ee gobolka jubada dhexe.

