Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Darawal Mooto Bajaaj oo goordhaweyd lagu dilay Magaaladda Muqdisho.
Falkaan ayaa ka dhacay isgoyska Black Sea Degmadda Howlwadaag ee Magaaladda Muqdisho.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal,askari ka Tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa geystay falkaan,wuxuuna ka baxsaday goobta uu dilka ka dhacay.
Sidoo kale goobjoogayaasha ayaa inoo sheegay in askariga iyo Wadaha Mooto Bajaaj ay Murmeen taasina ay keentay in Dilka uu dhaco.

