Xildhibaan maxamed yuusuf xaaji oo asal ahaan kasoo jeeda soomaliya islamrkaasna ka tirsanaa senatora aqalka sare barlamaanka kenya ayaa maanta waxa uu ku geeriyooday magaalada nairoobi ee caasimada dalka kenya
alaha unaxariistee maxamed yuusuf xaaji ayaa waxa uu horay usoo noqday wasiirkii hore difaaca dalka kenya ,waxaana dadka yaqiinay siyaasiga ay sheegeen in uu ahaa nin muddo dheer kusoo jiray siyaasada soomaalida dalkaasi kenya
marxuunka ayaa waxa la sheegay in hada uu ku geeriyooday da,ada 80 sano isagoo ahaa senator ka tirsanaa aqalka sare ee kenya gaar ahaan senater laga soo doortay ismaamulka gaarisa .
waxaana wararku ay sheegayaan in senator maxamed yuusuf uu maalmihii dambe ku xanuunsanayay isbitaal kuyaal magaalada nairoobe marba marka kasii danbeysana xaaladiisu ay aheyd sii xumaynsay islamarkaasna uu maantay ugu danbeyn geeriyooday.
qaar ka mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ayaa ka tacsiyadeedayay geerida senator maxamed yuusuf xaaji oo ay sheegeen in uu ahaa oday ka baxay umada soomaaliyeed.
siyaasi cabdi raxmaan cabdi shakuur warsame oo bartiisa intarneetka qoraal soo dhigay kaga tacisiyadeeyay geeridaxananka badan ee ku timid marxuun maxamed yuusuf
Allaha u naxariisto Senator Maxamad Yusuf Xaaji. Oday wayn ayaa maanta ka baxay Soomaalida iyo Muslimiinta Geeska Afrika. Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo ummada Soomaaliyeed iyo kuwa Muslim ka ah intaba. Aamiin

