Faahfaahino :- Nin Hubeysan Oo Maanta Dad Ku Dilay Duleedka Magaalada Muqdisho

0

warar naga soo gaaraya duleedka magaalada muqdisho ayaa waxa ay kusoo waramayaan in maanta nin hubeysan uu tooreeyeeyay dad qoys ah oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn tabeelaha sheikh ee duleedka magaalada muqdisho

wararka duwan ayaa kasoo baxaya dadka maanta lagu tooreeyeeyay tabelaha sheikh ibraahin waxaana la sheegay in nin isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya oo soo qaatay tooreey uu ku dhifray aabe iyo laba gabdhood oo uu dhalay islamrkaasna uu dhaawac culus uu kasoo gaaray qoyskaasi

intaasi kadib waxa la sheegay in isbitaal loola cararay dadkaan halka qoys ahaa ee la dhaawacay ,waxaana la sheegay in uu dhawac soo gaaray uu u geeriyooday aabaha qoyska la tooreeyeeyay. wararka ayaana intaasi ku daraya  in ninka dilka geeystay uu goobta iskaga baxsaday

ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay waxaana halkaasi ay ka bilaabeen baaritaano ay ku baadi goobayaan ninkii falkaasi geeystay

majirto wax faahfaahin dheeriya oo laamaha amniga  dowladda ay ka bixiyeen dhadada maanta ka dhacday tabeelaha sh ibraahim ee duleedka muqdisho

sidooakle ciidanka dowladdu ma sheegin in ay gacanta kusoo dhigeen  nin la sheegay in falkaasi uu geeystay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here