wasiiro ka tirsan xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa waxa ay kulan xasaasi ah la qaateen cali mahdi oo ka mid ah hogaamiyaashii hore ee dalka soomaray
kulankaan masuuliyiinta ka qeyb gashay waxa ka mid ah wasiir amniga xukuumada faderaalka soomaali iyo wasiirka arimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta xukuumada soomaliya
waxaana kulankaan looga hadlayay arimo badan oo kusaabsan doorashooyinka dalka iyo xaalada kacsanan siyaasadeed ee dalku uu luga lagalay
warar aan ka helayno kulanka wasiirada iyo cali mahdi ayaa waxa la sheegay in diirada lagu saaray sii loo dajin laahaa xaaladaha kacsanan tahay ah ee ka jira dalka taasi oo ka dhalatay in waqtiga dowladda madaxweyne farmaajo uu hogaamiyo ay dhamaatay islamarkaasna ay hanjabaadyo hawada laisku marinayo
xubnaha mucaaradka ayaa waxa ay madaxweynaha ugu baaqeen in uu xilka iska wareejiyo maadaama uu waqtigiisu dhamaaday waxaana ay sheegeen in wixii hada kabilowda aysanba aqoonsaneyn
kulanka wasiirada ka tirsan xukuumada soomaaliya iyo cali mahdi ayaa waxa la sheegay in looga hadlay siidii loo dajin lahaa xiisadaasi kacsan ee udhexeysa xubnaha mucaaradka iyo madaxad dowladda ee haatan talada dalka heysa
wararka ayaana intaasi ku daraya in inta uu kulanku socday laisku soo hadal qaaday sidii lasikugu soo dhaweyn lahaa islamrkaasna loo dajin lahaa xaalada siyaasadeed ee dalka oo cirka isku sii shareertay kadib fashilkii shirkii dhuusamareeb iyo muda xileedka madaxweynaha oo dhamaaday
kulankaan xasaasiga ah oo ay wada qaateen wasiiro ka tirsan xukuumada faderaalka soomaliya iyo cali mahdi ayaa waxa uu imaanaya xil ay jirto xurguf xoogan oo udhexeysa xubnaha mucaaradka iyo madaxada dowladda ee haatan lada dalka heysan kuwaas oo hadalo xanafleh hawada isku marinaya
waxaana kulamkaan lasheegay in uu ka mid yahay kulamada siyaasadeed ee lagu doonayo in;lagu badbaadiyo dalka islamrkaasna looga baaqsado qalalaaso siyaasadeed

