waxa qoraal kasoo baxay midowga yurub baaq loogu diray madaxda dowladda iyo Kuwa maamul goboleedyada dalka waxaana loogu baaqay in heshiis ay ka gaaraan arimaha doorashooyinka dalka si ugu dhaqsiyaha badan
war qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska wasiirka arimaha bibadda midowga yurub ayaa waxa looga hadlay sida ay ula muuqato arimaha khilaafka soorashooyinka soomaaliya
waxaana walaac xoogan laga muujiyay doorasho aan heshiis lagu aheyn oo dalka ka dhacda iyo cawaaqib xumo ka dhalankarta
midowga yurub ayaa digniin adag udiray madaxda dowladda ee haatan talada dalka heysa iyadoona loogu baaqay in aysan qaban doorasho aan heshiis lagu aheyn islamrkaasna ay iskugu yimaadaan kulamo kale oo ay xal uga gaaraan arimaha khilaafaad ka ah ee hareyay doorashooyinka dalka
Qaraalka Kasoo Baxay wasiirka arimaha dibadda midowga yurub ayaana uqonaa sida tan
” Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waa muhiim in dhammaan kanqeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran ”
warkasoo baxay midowga yurub ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili ay jirto khilaaf xoogan oo udhexeya madaxda dowladda iyo Xubnaha Mucaaradka taasi oo ku aadan Arimaha doorashooyinka dalka
waxaana jira baaqyo kala duwan oo kasoo baxayay saaxiibada soomaaliya ee wadamada caalamka kuwaasi oo kubaaqayay in is afgarad laga gaaro armaha doorashooyinka

