warar kala duwan ayaa laga helayaa weerar khasaare geystay oo xalay lagu qaaday hoyga taliyaha ciidan Asluubta Soomaaliya Genaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu ka deganaa magaalada Baydhabo
warar aan ka helayno magaalada beydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in kooxa hubeysan oo aan hebtooda la garaneyn ay xalay weerar xdoogan ku qaadeen guriga taliyaha ciidanka asluubta oo horay u ahaana taliyaha ciidanka booliska magaalada beydhabo
hoyga taliyaha ciidanka asluubta ee xalay la wweeraray ayaa waxa uu ku yaalaa magaalada beydhabo gaar ahaana meel aan ka fogeyn goroonka ciyaaraha Dr. Ayuub ee magaaladaas.
kooxda weerarka ku qaaday hoyga uu taliyhu ka dagnaa magaalada beydhyabo ayaa waxa la sheegay in bamgacmeed ay u adeegsadeen weerarkooda,
qasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkaani waxaana Inta la xaqiijiyey ku geeriyooday 1 ruux, halka uu dhaawac soo gaaray laba ruux oo kale, kuwaas oo ku sugnaa hoyga taliyaha, intaasi ka dib waxa la sheegay in kooxdii hubeysneyd ee weerargeystay ay goobta isaga baxsadeen.

