warar ka imaanaya gobolka galgaduudaya waxa ay kusoo waramayaan in maanta qarax xoogan lala eegtay kolonyo uu lasocday taliyhii ciidamada nisa ee magalaada dhuusamareeb islamarkaasna uu ku geeriyooday qaraxa lala beegsaday
qaraxa ayaa waxa la sheegay in qasaare kala duwan uu dhaliyay oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidamo la socday taliyaha ha,ada nabad sugida iyo sirdoonka qaran u qaabil sabanaa magaalada dhuusamareeb
inta la xaqiijiyay waxa qaraxa ku geeriyooday taliyaha nisa ee magalada dhuusamareeb Cabdirashiid Cabdi Nuur Shiiq doon Qooje ciidamo la socday
ciidamada dowladda ayaa inta badan qaraxyo lagu la beegsadaa xiliyada ay kusocdaalayaan degmooyinka iyo deegaanada qaar ee dalka
waxaana dhowr jeer oo hore weeraro nuucaani oo kale ah oo qaraxyo lagu beegsaday ciidamada dowladda deegaano dhaca gobolka galgaduud qaraxyadaas oo ay intabadan guulo ka sheegtaan dagaalamayaasha al-shabaab
laamaha amniga galmudug wali wax faahfaahin ah kama bixin qaraxa maanta ka dhacay dhhusamareeb mana jirto cid ilaa iyo hada sheegiay masuuliyada dilka taliyaha nisa ee magaalada dhuusamareeb

