wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramaya in xalay madaafiic lagu garaacay tuulo hoostagta deegaanka janaale ee gobolka shabeeolaha hoose
warar ayaa waxa ay sheegayaan in madaafiicda xalay lagu weeraray tuulada ay ku garaaceen ciidamo ka tirsan kuwa amisom oo xero ku leh deegaan ka tirsan gobolka shabeelaha hoose
tiro madaafiic ah yaa waxa lagu soo waramayaan in lagu garaacay tuulada mishaani oo hoostimada deegaanka janaale
waxaana madaafiicda la sheegay in ,mid ka mid ah uu haleelay guri ay ku sugnaayeen hooyooyin iyo caruur qasaara xoogana uu ygeeystay
warar kala duwan ayaana kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay madaafiicda xalay lagu garaacay tuulada mishaani oo ay ka dhasheen qasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac iskugu jirta
inta la xaqiijiyay ilaa iyo 2 caruur ah ayaa waxa la sheegay in ay ku geeriyoodeen islamarkaasna waxa ku dhawacmay sedax kale oo hooyooyin ah
lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa madaaficada xalay lagu garaacay tuudalada iyo sababta ciidamada amisom ay madaafiicdaasi u tuureen balse ilo deegaan ka ah ayaa waxa ay sheegeen in ay hal mar ka warheleen dhawaqa culus ee madaafiicda oo kaga imaaneysay dhan ciidamada amisom sababtana aysan garan karin
ciidamada dowlada iyo taliska ciidanka amisom wali kama aysan hadlin madaafiicda xalay lagu garaacay tuulada mishaani ee hoostagta degaanka janaale ee gobolka shabeelaha hoose

