xildhibaanada aqalka sare oo qoraal kooban soo saaray ayaa waxa ay sheegeen in aysan jirin kulan wada jir ah oo madaxweynaha soomaaliya uu ka codsaday gudoomiyaha aqalka sare
waxaana ay sheegeen in aysan joirin balan ay xildhibaada aqalka sare la leeyihiin madaxweynaha jamhuuriyada faderaalka somaliya maxamed cabdulahi farmajo
qoraalka ayaana sidan u qornaa
Wargelin
Dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu kasoo codsadey Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin maanta oo taariikhdu tahay 06 Febraayo 2021.
madaxweyne farmaajo ayaa waxa uu sheegay in marka uu soo dhamaado shirka dhuusamareeb uu hortagi doono xildhibanada labada aqal ee barlamaanka jamhuuriyada faderaalka soomaaliya
\waxaana uu sheegay in uu kala hadlidoon xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka dalka arimo badan oo kusaabsan

