warar ka aan ka helayno gobolka nugaal ayaa waxa ay kusoo waramayaan in shir gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay deegaan duleedka bari kaga beegan magaalada garoowe ee xarunta gobolka nugaal
gaari nuuca raaxada ah ayaa waxa lasoo sheegayaan in uu ku rogmaday deegaanka sinujiif oo dhankaga bari kaga toosan magaaada garoowe deegaanka ayaana la sheegaa in qiyaastii uu 25 km u jira magaalada garoowe
dad deegaanka ayaa waxa ay sheegeen in gaarigaan sababta keentay in uu rogmado ay timid kadib markii mid ka mid ah lugaha gaariga ay baxday gaariguna xiligaasi uu xawli kusocday
warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qasaaraha ka dhashay shilkaan gaari kaasi oo ay dad badani ku dhinteen kawa kalana ay ku dhaawacmeen
waxaana la sheegay in illaa sadax qofood ay ku dhinteen shilkaani gaari islamarkaasna ay ku dhaawacmeen illaa iyo sadax qofood oo kale
dadka ku dhintay shilkaan gaari ee ka dhacay deegaanka sinujiif ee duleedka magaalada gorowe waxa ka jiray sida la sheegay haweeney ka mid aheyd dadkii saarnaa gaari
dadkii dhawcyada ahaa ee ku dhaawacmay shilkaan gaari ayaa waxa la sheegay in loola cararay isbitaalka weyne ee magaalada garoowe oo xaun u ah maamulka ka puntland
mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxa soo badanayay shillalka gaari ee ka dhacaya deegaanada puntland gaari ahaana shirka ay galayaan gawaariday yar yar ee safarka ah
waxaana loo sababa beeyaa shilalkaasi wadooyinka oo bur bursan iyo darawalada oo gawaarida u kaxeeya si xowli ah si aysan waqti badan kaga bixin safarkooda

