Ciidamada Amaanka Puntland Oo Howlgalo Ka fuliyay Deegaanada Buuraleeyda Gobolka Bari

0
ciidamada amaanka gobolka bari ee loo yaqaano Ciidanka PSF  yaawaxa ay howlgalo qorshegaysan ka fuliyeen  degaanka dolqooxle ee Buuraha Cal Madow islamarkaasna  hoostaga tuulada af urur  ee gobolka Bari.
qoraal kooban oo kasoo baxay ciidamada amaanka maamulka puntland PSfta ayaa waxa lagu sheegay in howlgaladaani ay ahaayeen kuwa amni xaqiijin ah islamrkaasna lagaga hortagayay xubno ka tirsan al-shabaab iyo daacish oo ay war ka  heleen .
Hawlgalkan ay ciidanka PSF fuliyeen ayaa yimid kadib markii ay ciidanka PSF heleen xog sheegaysa in ay Buuraleyda aaggaas ay yimaadeen  Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al Shabaab.
Ciidamada PSF way sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan oo ay ku beegsanayaan dagaalamayaasha  Al Shabaab iyo Daacish ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo kasoo baxay puntland
ciidmada mamaulka puntland qoraalka kasoobaxay ayaa waxa shacabka reer Puntland ay kaga  ka codsadeen  in ay ciidamada ku garab istaagaan ka hortaga dadka ku hawllan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed .
ciidamada amaanka mamaulka puntland ayaa inta badan howlgalo ka sameeya deegaanada buuraleeyda ah ee dhaca gobolka bari halkaasi oo ay kusugan yihiin dagaalamayaal ka tirsan al-shabaab iyo daacish

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here