iyadoo lafilayay in maanta magaalada dhuusamareeb in uu ka furmo shir u dhexeya madaxda dowladda faderaalka ah iyo dowlaha xubnaha ka ah ayaa waxa lasoo sheegaya in maanta magaalada dhuusamareeb aysan u diyaarsaneyn in ay marti galiso
waxaana warar hoose oo idaacada simba ay sheegayaan in magaalada dhuusamareeb maanta ay taalo tacsi islamrkasna ay saameysay weerarkii xalay lagu qaaday hotelka afriik ee magaalada muqdisho
saraalkii hore oo ciidanka dowladda ah ayaa ku geeriyooday weerarkii xalay kuwaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanada maamulka galmudug waxaan sidaas darteed la filayaa in si kooban uu u baaqato
shirka dowlada dhexe iyo maamul goboleedyada dalka oo maanta oo isniin ah la qorsheeyay in uu ka dhaco magaalada dhuusamareeb ee caasimada mamaulka galmudug balse taasi badalkeeda waxa la saadaalinayaa in uu dib u dhac ku yimaado shirka maadaama ay dhuusamareeb maanta taal tacsi
janaraal maxamed nuur galaal iyo masuuliyiin kale oo kasoo jeeda deegaanada galmudug ayaa maanta tacsidoodu taalaa dhuusamareeb
janaraalka ayaana ka mid ahaa rug cadaayadii taliska ciidanka xooga dalka soomaaliyeed soomaray
maamulka galmudug iyo dowladda faderaalka ayaana si isku mid ah uga tacsiayadeeyay geerida marxuun maxamed nuur galaal
waxaana hada wararkii ugu dambeeyay oo an ka helayno magaalada dhuusamareeb ay sheegayaan in magaalada laga dareemayo saan saanta in uu baaqdo shirka islamrkaasna ay magaalada dhuusamareeb kusii qulqulayaan masuuliyiin ka tirsan dowladda iyo siyaasiyiin kuwaasi oo halkaasi utagaya tacsida taala magaalada dhuusamreeb

