Madaxweynaha Galmudug Oo Qiray In Weerar Hotel Afriik Lagu Beegsaday Dad Shacab Ah

0
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka baxeen Jenaraal Maxamed Nuur Galaal, Cabdullahi Nuurre Siyaad, Cali Dhuux iyo dhamaan intii ku geeriyootay xalay weerarkii Hotel Afrik ee Muqdishu.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u tacsiyeeyay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna Ciidanka Xoogga Dalka oo uu ka baxay Jenaraal Galaal.
Marxuum Jenaraal Galaal oo umadda soomaaliyeed ku dhex laha sumcad iyo taariikh mug leh ayaa lagu xasuusan doona doorkii uu ka qaatay dhismaha iyo hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka soomaaliyeed asagoona dalka kasoo qabtay xilal kala duwan oo muhiim ah.
Madaxweynaha ayaa u duceeyay dadkii ku waxyeelloobay asagoona Eebbe uga baryay intii dhimatay inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna degdeg u bogsiiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here