Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa sheegay inay la wareegeen Deegaano ay dhawaan iskaga Baxeen dagaalamayaasha Al-shabaab kuwaas oo ku yaala Koonfurta Gobolka Mudug
Saraakiisha Ciidanka ayaa tilmaamay in Al shabaab iskaga baxeen Deegaanka CAAD oo la sheegay in uu ahaa saldhig labaad oo al-shabaab ku lahaayeen Koonfurta Gobolka Mudug
Ciidanka Daraawiishta Galmudug iyo 21-aad ee Xoogga Dalka ayaa maalmihii u dambeeyay Koonfurta Gobolka mudug waxa la sheegay in ay ka wadeen dagaal oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab
waxaana ay sheegeen in howlgaladaasi iyo dagaaladaasi ay ku doonayaan in ay kaga saaran al-shabaab deegaanada Gobolka Mudug.
Wasiirka Amniga Galmudug Ahmed Macalin Fiqi iyo Xildhibaano ka tirsan Galmudug ayaa booqosho dhiiro galin ah ugu tagay Ciidanka ku howlan dagaalka Al-shabaab kuwaas oo ku ammaanay Ciidanka shaqada ay Dalka u haayaan ayaa lagu yiri warkasoo baxay.
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ayaa inta badan ku dagaalama deegaanada dhaca gobolka mudug
waxaana dhowr jeer oo hore dagaalo halkaasi ka dhacay ay ka kala sheegteen guulo

