wafdi balaaran oo ay hogaaminayaan wasiirada difaaca iyo warfaafinta xukuumada faderaalka soomaaliya ayaa gordhaweyd gaaray degmada doolow ee gobolka gedo
waxaana wafdigaan la sheegay in ay lasocdeen koox wariyaal ah kuwaas oo la geenayo goobtii cadowga kenya uga soo duulay dalka
waxa kaloo la sheegay in ujeedka safarkaan uu yahay in dhiira galin iyo dalacsiin loo sameeynayo ciidankii geesyaasha ahaa ee cadowga ka hor istaagay dalka islamrkaasna ka difaacay
wararka qaar ayaa waxa ay sidookale sheegayaan in dowladdu ay halkaasi maanta kusoo bandhigeyso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada balad xaawo
waxaana tani ay kuso aadeysaa xili dowladda kenya ay maanta ku dhawaaqday in ay ka hadleyso xiida kala dhaxeysa soomaaliya

