Kenya Oo Maanta La Filayo In Jawaab Adag Ay Ka Bixiso Xiisada Kala Dheysa Soomaaliya

0

dowladda dalka kenya ayaa maanta waxa lagu wada in ay warkasoo saarto khilaafka sii xoogeysanaya ee udhexeya soomaaliya iyo keenya iyo saameynta ay ku yeelatay dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada balad xaawo ee gobolka gedo

war qad qoraal ah oo uu soo afhayeenka dowladda kenya ayaa waxa uu ku wargalinyay in warbaahinta ay iskugu yimaadaan xarunta wasaarada warfaafinta kenya isagoo sheegay in ay ka hadlayaan xiisada kala dheysa soomaaliya

dowladda faderaalka soomaaliya ayaa waxa ay dhawaan kenya ku eedeysay in ay jabhad soo hubeysay islamrkaasna ay usoo dirtay in ay weeraraan magaalada balad xaawo oo kutaal xuduudka ay wdagaan soomaaliya iyo kenya

iyadoona dowladda kenya eedeymahaasi aysan wax jawaab ah ka bixin maanta ayaana la filayaa in kenya ay war kasoo saarto khilaafka soo  kala dhex galay iyaga  iyo soomaaliya

muddooyinkii dambe waxa soconayay dadaalo laiskugu soo dhaweyay soomaaliya iyo kenya taasi oo uu waday uruur goboleedka igad

waxaana arintaasi uu ururka igad uu u xilsaaray madaxweynaha jabuuti ismaciil cumar geele oo isaguna guddi xaqiiqo raadin ah u saaray guddigaasi oo dowlada soomaaliya shalay ay gaashaanka u daruurtay islamrkaasna ay sheegtay in dhic uu u raranyahay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here