Weerar Askar Lagu Dilay Oo Dhacay Deegaan ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe

0
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Balcad ayaa sheegaya in weerar jidgal ah lagu qaaday  gaari Tiknika ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka somaaliya .

Dagaalayaal  ka tirsan Al Shabaab ayaa waxa la sheegay in jidka ay ugaleen  gaari ciidan oo marayay wadada xiriirisa degmada Balcad iyo deegaanka Gololeey ee gobolka Sh/dhexe.

waxaana lagu soo waramayaa in weerarkaasi
warar al-shabaab ay barahooda  intarneedka ku qoraan waxa ay ku sheegteen masuuliyada weerarkaasi
waxaana ay sheegeen in weerarka ay ku dileen ilaa iyo 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda islamarkaanaay  furteen  4 qori iyo booshashkooda,
warka kasoo baxay al-shabaab ayaa waxa uu  intaas ku daraya in wadada laamiga ah ay ku  gubeen gaari dagaal oo ay wateen ciidamada lalaayay.

al-shabaab ayaa inta badan weeraro nuucaani oo kale ah la beegsada ciidanka dowladda xiliyada ay u kala gooshayaan deegaanada iyo demooyinka qaar ee dalka
waxaana ay al-shabaab weeraradaasi ka sheegtaan guulo iyo in ay qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen masuuliyiinta iyo ciidamada dowladda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here