Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Beydhabo

0
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta oo Arbaco ah dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee caasimada KMG Koonfur Galbeed soomaaliya.
Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed Cabdicasiis xasan maxamed lafta gareen oo mudo todobaad ah Safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidanka Koonfur Galbeed guushii ay ka gaareen dagaalkii ay la galeen  Al-Shabaab kaasi oo ka dhacay Deegaanka Seydheelow ee duleedka magaalada beydhabo ee Gobolka Baay,
Madaxweyne lafta gareen ayaa waxa uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Madaxweynaha maamulka koonfur galbeed ayaa waxa uu magaalada xudur uu utagay qeyladhaan ka timid dadka shacab ka ah ee ku dhaqan magaalada  kadib markii ay xirmeen wadooyinka soo gala degmada xudur taasi oo dhibaato ku noqotay nolasha dadka shacab ka ah
madaxweynaha ayaana intaa uu halkaasi ku sugnaa waxa uu ka qeyb galay kulamo looga hadlayay amaanka degmada iyasiidii loo furilahaa wadooyinka degmada xudur oo go,odoonsan
ugu dambeyn maanta yuuna madaxweyne lafta gareen uu garoonka shaati gaduud uu kasoo dagay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here