Ciidamada Kumaandooska Danab iyo ciidanka xoogga dalka qeybta 21-aad ayaa maanta gaaray Deegaanka Shabeelow Ee Gobolka Mudug halkaas oo dhawaan dadka deegaanka iyo dagaalamasha Al-shabaab ay ku dagaalameen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada ayaa waxaa la sheegay in howlgalo aan dagaal ku dhici ay kula wareegeen deeganka shabeelow islmarkaasna waxa la sheegay in dagaalamayashii ka tirsan al shabaab ee kusugna deeganka shabeelow ay goor horaba iskaga beexeen degaanka.
Deegaanka Dhagaxleey oo Qiyaastii 20 KM uJirra Shabeelow ayay saaka ciidamada dowlada dhaq-dhaqaaq ka wadeen iyagoona sheegay in howlgaladaan ayihiin howlgalo ka dhan ah Al-shabaab islmarkaasna ay ku xaqiijinayaan amaanka deegaanada ka dhaca gobolka mudug.
Ciidanka kumandoosta iyo kuwa xooga dalka qeybta 21 aad ayaana la sheegay in ay wadan howlgalo balaaran oo amini xaqiijin
Islamrkaasna ay la kaashanayaan dadka deegaanka mana la sheegin wax dad ah oo ciidamada dowladu ay ku qabteen howlgalka sakay ilaa iyo maanta ay ka wadan deegaanada shabeelow iyo deeganka dhagaxleey,kuwasi oo dhamaantood hoosyimda gobolka mudug.
Ciidamada xooga dalka ayaa inta badan howlgalo ka sameeya deegaanada dhaca gobolka mudug,waxaana ciidamadu ay howlgaldaasi ku sheegaan inay ku doonayaan inay gacanta dowlada kuso celiyaan deegaanada ka maqan gacantooda
Waxaan xusid mudan in maanta ciidamada dowladu ay dhaqdhaqaayo ciidan ka wadan degaano hoosyimada gobolka mudug Dhawan ayey aheyd markii dadka degaanka iyo xubno ka tirsan dagaalamasha Al shabaab ay ku dagaalameen deegaanada maanta ciidamadu dhaqdhaqaaqyada ka wadan.




