Wasiirkii Hore Qorsheynta Somaliland Oo Sheegay In Loo Diiday Musharaxnimadiisii Xisbiga Kulmiye

0

Deegaanada maamulka somaliland waxa ka biloowday loolankii ugu adkaa oo loogu jiro utartamida xilalka iyo ka mid noqoshada musharixiinta u tartameysa xisbiyada ka dhisan maamulka Somaliland gaar ahaana xisbiga talada haya ee kulmiye.

Waxaana deegaanada maamulka somaliland laga soo sheegayaa in isqabqabsibadani uu ka taaganyahay diwaangalinta musharaxiinta xilal doon ka ah ee xibiyada maamulkaasi somalialand.

Siyaasiyiin badan oo ka tirsan maamulka somaliland ayaa walaac xoogan ka muujiyay qaabka ay usocoto qabashada musharaxiinta u tartameysa xilallka gudoonka xisbiyada ka jira deegaanada somaliland.

Wasiirkii hore wasaarada qorsheynta xukuumada somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo diiday in uu utartamo xilka gudoomiye ku xigeenka labaad xisbiga talada haya kulmiye ee xukumada somaliland.

Wasirkii wasaarada qorsheynta somaliland maxamed aadan qabyo tire ayaana sheegay in uu soo buuxiyay shuruudihi looga baahnaa balse loo sheegay in dad ama beel kale in ay leedahay xilkaasi

Waxaana uu tilmaamay in arintaas aysan meelna kaga oolin shuruucda iyo xeerarka uyaal xisbiga

Isagoo sheegay in falkaasi lagu la kacay uu yahay mid sharcidaro ah

Waxa soodhaw doorashada lafilayo inay ka dhacdo degaanada Maamulka somaliland

Waxaana durbadiiba bilaabatay loolanka iyo tartanka ay sameynayaan siyaasiyiinta maamulkaasi somaliland oo ku loolamaya xilalka kala duwan ee xisbiyada ka jira degaanada maamulka somaliland

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here