Akhriso:-Al-shabaab oo Xukun Dil ahaa Ku Fuliyay Afar Ruux+Magacyadooda

0

Al-shabaab ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay 4-nin ay sheegeen in ay basaasiin u ahaayeen Dowladaha Soomaaliya, mareykanka iyo kenya.

Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare ku yaala degmada Saakow ee gobolka Jubbada dhexe.

Raggan afarta ah ayaa waxay magacyadoodu kala ahaayeen sida soo socota:

1 Maxaamd Aadan Xassan (Maxamad Kheyr) oo 51 jir ah laguna eedeeyay inuu la shaqeynayay Sirdoonka Mareykanka iyo Qaramada Midoobay kuwaas oo uu  kulasoo kulmay xerada Xalane.

2- Cusmaan Faarax Dhaqane oo 27 jir ahaa ayaa isna la shaqeynayay BS-ta ama Sirdoonka DF-ka ee ku daaban Mareykanka.

3- Cali Cabdiraxmaan Cabdi, oo 33 jir ahaa ayaa Basaas u ahaa sirdoonka DF “BS”

4- Cabdi Sahal Dhabbar (Cabdi Xarqi) waa ninkii ugu da’da weynaa Basaasiintii shalay ladilay wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Kenya isagoo ka hawlgali jiray dhulka kenya.

Gudoomiyaha Maxkamadda Al-shabaab ee Jubbooyinka ayaa faagaraha kusoo bandhigay xogo faahfaahsan oo la xariirta hawlahii ay qabanayeen raggan iyo xukunkooda oo ahaa dil kadibna isla goobta ayaa lagu fuliyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here