Hogaamiyaha Jubaland Oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Madaxweyne Farmajo iyo Shirka Muqdisho Oo Maanta Furmaya

0

Wararka laga helayo madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in saacadi laso dhaafay ay kulan xasaasi ah wada qaateen Madaxweynaha Jamhuuriyada faderalka Somalia Mudane Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo Hogaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Kulanka labada masuul ayaa waxa la sheegay in ay uga wada hadleen Arimo ku saabsan sidii uu u furmi lahaa shirka saddex geesoodka ah ee u dheexeya madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulahi Farmajo iyo Hogaamiyayaasha maamulada Puntland iyo jubaland.

Sidoo kale wararka waxa ay sheegayaan in madaxweyne Farmajo iyo Axmed Madoobe ay ka wada hadleen Arimaha la xariira Ciidamadda iyo Maamulka ay Dowladu geeysay Gobolka Gedo iyo Arimo kale oo xasaasi ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdulahi farmajo iyo Madaxweynaha Jubaland kulan kooda ayaa la sheegay in ay isku fahmeen in gudi loo saaro arinta gobolka gedo Guddigaas oo ka kooban min hal xubnood islamarkaasna ka shaqeyn doonaan sidii arintaasi xal looga uga gaari lahaayeen labada dhinac.

Kulanka madaxweyne farmaajo iyo hagaamiyaha jubaland ayaa waxa uu imaanayaa xili saacadaha soo aadan lafilayo in magaalada muqdisho ee caasimada dalka uu ka furmo shirka ay wada yeelanayaan madaxweynaha JFS iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland.

Iyadoo ay sidookale jireen baaqya kasoo baxayay maamulka gobolka gdo ay geesay dowladu kuwaasi oo madaxda dowlada uga digay in ay qaataan shuruudaha uuu wato hogaamiyasha  Putland iyo Jubbaland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here