Wararka ka imanayaa magaaladda Dhuusa-mareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa waxa ay kuso waramayaan in qoysas siiriyaan ah oo qaxooti ah kuwaasi oo ka soo qaxay coloada ka socta dalka siiriya ay gaareen magaaladda Dhuusamareeb.
Masuuliyinka ka tirsan maamulka oo ugu horeeyo gudoomiyaga degmada dhuusamareeb ayaa la sheegay in halkaasi qoysaskaas ay kusoo dhaweeyeen islmarkaasna ay ubalan qaadeen in ay siin doonan meel ay dagaan amnigooda ay sugidoonaan.
Qoysaskaan kasoo qaxay dagaalada ka socda gudaha dalka suuriya kuwaasi oo soo gaaray magaalada dhuusamareeb ayaa la sheegay in ku dhawaad ay gaarayeen 10 qoys islamarkaasna xaalada amni daro dalkooda uga soo qaxeyn.
Sidoo kale mas’uuliyin ka mid ah maamulka galmudug ayaa sheegay in qoysaskaan deegaano badan oo ka tirsan Somaliya ay soo mareen ugu dambeyna ay sidaasi ku gaareen magaaladda dhuusamareeb ee xarunta dowladd Goboledka Galmudug.

