Ciidamadda Kumaandooska uu Gudaha u Galay Xarun Al-shabaab ay Isku Uruursanayeen

0

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa udaatay goob ay isku uruursanayeen Al-shabaab.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka oo kawarhelay in Al-shabaab ay isku uruursanayaan degaanka daarusalaam oo hoosyimaado degmada awdheegle ee gobolka shabeelada hoose ayaa usoo daatay iyagoon kawarqabin Ciidankii is uruursanayay kuwaasi oo marqura kusoo baraarugay ciidanka oo korjooga waxaa halkaasi ciidanka ay kudileen labo horjooge iyo todobo askar ah.

Sidookale ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa gabin ahaanba bur-buriyay halkii ay Al-shabaab isku uruursanayeen iyadoo sidookale gacanta ay kusoo dhigeen hub iyo saanadkale oo ciidan

Taliyaha Guutada 16-aad Kumaandooska xoogga dalka danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa xaqiijiyay warkaan.

Dhinaca Taliye ismaaciil ayaa tilmaamay in duqeeyn dhinaca cirka ah lala bartilmaameedsaday Al-shabaabkii firxadka ahaa ee ka baxsanayay deegaanka daarusalaam kuwaasi oo waxyeelo xoogan ay kasoo gaartay duqeeynta.

Taliyaha ayaa intaasi kudaray in 10 Al-shaabab ah ay kugeeriyoodeen duqeeynta islamarkaasna ay jiraan tiro dhaawacyo ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here