Xubnaha Beesha Caalamka ayaa magaaladda Muqdisho ka bilaabay Kulamo lala yeelanayo Saamileyda Siyaasadda Soomaaliya.
Kulan u dhaxeeyay Beesha Caalamka iyo Madasha Xisbiyada Qaran ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Xarunta Xalane ee Magaaladda Muqdisho,waxaana loogu hadlay heshiiskii Dhuusa-mareeb 3 ee Dowladda Dhexe iyo qaar kamid ah Maamul goboleedyadda.
Madasha ayaa u sheegtey Beesha Caalamka si uu heshiiskii Dhuusamareeb u noqdo mid dhameystiran in loo baahanyahay ka qeybgalka dhammaan saamileyda siyaasada oo ay ku jiraan Maamulladii shirka ka maqnaa, Xisbiyada iyo Ururada Bulshada.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Hogaanka Madasha Xisbiyadda Qaran, Xubnaha Madasha iyo wakiilo ka socday beesha Caalamka.

