War Deg Deg:-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Qarax ayaa goordhaweyd ka dhacay magaaladda muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Jugta qaraxa oo laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka dhacday dhanka Woqooyi ee magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay gaari uu la socday Gudoomiyaha Degmadda yaaqshid Muuse Geeseey kaasi oo ku sugnaa Degmadda C/casiis.

Gudoomiyaha ayaa qaraxa ka badbaaday Waxaana waxyeelo soo gaartay laba qof oo shacab ah oo goobta marayay.

Guddoomiyaha ayaa ka qeyb geli rabay maanta ciyaar saaxiibtinimo oo degmadiisa iyo degmo kale u dhaxeysa oo lagu wado in ay ka dhacdo groonka Eng Yariisow ee Degmadda C/casiis.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here