Al-shabaab ayaa xukun dil ahaa ku fuliyay 4-ruux ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Mareykanka Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Ethopia.
Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare ku yaala degmadda Ceelcadde ee gobolka Gedo Koonfurta dalka Soomaaliya.
Ragga Xukunka lagu fuliyay ayaa qirtay in ay la shaqeynayeen Dowladaha Soomaliya, Mareykanka iyo Ethopia,islamarkaana ay basaasiin ay u ahaayeen.
1- Diini C/Qaadir Max’med wuxuu u shaqeynayay sirdoonka Mareykanka
2- Ciise Cismaan Geelle wuxuu ushaqaynayay Sirdoonka Itoobiya.
3- Aadan Xasan Max’med wuxuu u shaqaynayay Sirdoonka DF.
4- Cabdi Caziiz Xasan Cabdi wuxuu u shaqaynayay Sirdoonka DF

