Al-shabaab oo War Kasoo saaray Dilka Wasiir C/qaadir Abuukar Max’med

0

Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda dil xalay magaaladda Jowhar loogu geystay wasiirkii beeraha iyo waraabka maamulka Hirshabelle islamarkaana ahaa xildhibaan baarlamaan.

Dilkaan ayaa ka dhacay Xaafadda Kulmis ee magaaladda Jowhar xiligii salaadda Cishaha.

War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in howlgal guulaystay ay ku dileen C/qaadir Abuukar Max’med oo ku magac dheeraa (Karaani), wuxuu ahaa wasiir dhowaan lagu magacaabay wareegto kasoo baxday Max’med Cabdi Waare.

Al Shabaab ayaa horay gobolka Sh/dhexe ugu dishay wasiirro,xildhibaanno iyo taliyaal ciidan oo dhammaantood katirsanaa maamulka Hirshabelle

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here