Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii lagu qaaday Hoteelka Elite ee Magaaladda muqdisho.
Sadiiq Aadan Cali (Doodisho), Afhayeenka Ciidanka Booliska Somaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa faah faahiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday Hotel Elite.
Afhayeenka ayaa marka hore sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay soo geba-gabeeyeen weerarka saacadaha badan qaatay, ee lagu qaaday hotelka ku yaala Xeebta Liido ee Degmadda Cabdicasiis.
Sidoo kale afhayeenka aya sheegay in weerarka ay ku dhinteen 16-ruux, halka dhaacyadda ay gaarayaan 13-ruux oo shacabka iyo mas’uuliyiin isugu jira.

