Maamulka Gobolka Banaadir oo Balanqaad u Sameeyay shacabkii Waxayeeladu soo gaartay

0

Kusimaha Duqa Caasimadda Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xasan Iimaan oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenada Amniga iyo Siyaasadda iyo Hawlaha Guud Ayaa kormeeray Goobtii uu ka dhacay Weerarkii Bahalnimada ahaa ee Shabaab ay la beegsadeen Shacabka Soomaaliyeed

Ciidanka Qalabka sida ee Naftooda hurayaasha ah Ayaa soo afjaray weerarkii bahalnimada ahaa waxayna kasoo badbaadsheen Shacab Ku go’doonsanaa Hotelka.

Tirada Dhimashada ayaa ah 16 Qof oo 11 ka mid ah ay yihiin dad Shacab ah halka 5 ka mid ahna ay yihiin Shabaab-ka weerarka soo qaaday.

Ugu dambayntii maamulka Gobolka Banaadir Ayaa sheegay in ay garab istaagan yihiin shacabkii waxayeeladu soo gaartay Ayan la qaybsanayaan wax walba.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here