Shabaab oo Qarax iyo Weerar Toos ah Ku Galay Saldhiga Deegaanka Goof-Gaduud

0

Faaf-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab oo saakay ka dhacay deegaanka Goof-Gaduud ee duleedka magaalada Beydhabo, ee Caasimadda KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayuu ku bilowday weerarka,waxaana xigay dagaal toos ah.

Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in ciidanka Shabaab ay gudaha u galeyn xiradda,islamarkaana ay laayeen ciidamadii ku sugnaa xiradda.

Saldhiga la weeraray ayaa ku yaalla deegaanka lagu magacaabo Goof-Gaduud Buureey oo qiyaastii 30km u jira magaalada Beydhabo, islamarkaana saaran wadada aadda dhanka degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Ma jiro wax war ah oo ilaa haatan kasoo baxay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo loogu hadlaayo dagaalkaan.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here