Gudoomiye iyo Taliye Ciidan oo Ku Dhintay Weerarkii Deegaanka Goof-gaduud Buureey

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka Hadashay qaraxyadii iyo Dagaalkii saakay ka Dhacay Deegaanka Goof-gaduud Buureey ee Duleedka Magaaladda Baydhabo.

Qoraal kasoo baxay Dowladda ayaa lagu sheegay in Shabaab qaraxyo iyo weerar toos ah ay kusoo qaadeen saldhigga Deegaanka.

Sidoo kale qoraalka Dowladda ayaa lagu sheegay in qarax labaad oo Meyd lagu soo xirey ay ku dhinteen Guddoomiyihii Deegaanka iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska.

“Weerar ay saakay Al-Shabaab ku qaaday Deegaanka Goofgaduud Buureey ee Gobolka Baay, waxaa halkaas ku dhintay 5 xubnood oo kala ah ;- Masuuliyiin, Ciidanka iyo dadka deegaanka, weerarka oo ku bilowday gaari lagu Soo raray walxaha Qarxa ayaa lagu weeraray Xarunta Degeenka, waxaa halkaas ku dhintay 3 xubnood oo isagu jira ( 2- Xubnood oo Ciidanka Xooga Dalka ah iyo eedeysane).

“Intaas kadib, ayeey Al-Shabaab isticmaaleen dhagar, iyaga oo Meyd ku Soo xiray qarax, waxa goobta ku baxay Guddoomiyihii Deegaanka iyo Taliyihii Saldhiga Boliiska oo iyaguna ku dhafwaayay qaraxii 2-aad ee meydka ku xirnaa,guud ahaan dhimashada qaraxyada maanta ka dhacay Deegaanka Goofgaduud Buureey ayaa noqonaya ilaa 5 xubnood”,ayaa lagu yiri warka Dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here