Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ah iyo mid toos ah oo lagu galay Hoteelka Elite Hoteel ee Magaaladda Muqdisho.
Dhawr nin oo ku hubeysnaa qoryaha fud fudud iyo qaraxyo ayay u suurtagashay inay gudaha u galaan hotelkaasi, ka dib markii ay ka gudbeen kontoroolka hore ee amniga hotelka laga ilaaliyo.
Geerida Agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta C/risaaq Cabdi ayaa la ii xaqiijiyay in uu ku dhintay Weerarka Elite Hoteel.
Sidoo kale waxaa dhaawac culus uu soo gaaray Axmed Dhiblaawe Wasiirka Wasaarada Howlaha-guud ee Maamulka Galmudug.



