Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho.
Qaraxaan ayaa ka dhacay Degmadda waabari ee Gobolka Banaadir,waxaana lala eegatay gaari uu watay Sarkaal Ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa oo lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa Nabad Sugidda dowladda.
“Al-Shabaab ayaa qarax ka dhacay degmada Waaberi ku dilay sarkaal ka tirsanaa Nisa iyo laba askar oo ilaala u ahaana waa ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.
Sarkaalka ladilay ee katirsanaa Nabad sugidda ayay darajadiisa ciidan aheyd Gaashaanlle sare waxaana magaciisa lagusoo gaabiyay Nuur, goobta qaraxu uu ka dhacay waxaa aad ugu badan saraakiisha Nabad sugidda.

