Dowladda Ethiopia ayaa Jimcihii Shalay Sheegtay, in Xiriirka Masar ay doonayso in ay la samaysato dalal ku yaalla Bari Afrika, ay waajib tahay in aysan waxyeelin Danaha Ethiopia.
Af-hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ethiopia Dina Mufti, ayaa sheegay in Masar ay tahay Waddan madax-bannaan oo xaq u leh, in ay xiriir la yeelato dal kasta oo ku yaalla Gobolka, balse ay waajib tahay in xiriirkaasi uusan wax yeelin Xasiloonida Ethiopia.
Mudooyinkii dambe, waxa soo baxayay warar sheegaya, in Masar doonayso in ay saldhig Militari ka samaysato Somaliland, oo ah dowlad ka go’day Waqooyiga Soomaaliya, balse aan weli loo aqoonsan dal madax-bannaan.

