Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya Weerar lagu qaaaday gudooomiye ku xigeenkii maaliyada degmada walaweyn eee gobolka shabeelaha hoose
Dabley hubeysan ayaa waxa lasheegay in gudoomiye ku xigeenkii maaliyada walaweyn maxamed cabdulahi cumur koosto ay gurigiisa ku weerareen bamba gacmeed.
Weerarkaan ayaa waxa ka dhashay khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ah
Waxaana weerrarkaasi bamba gacmeedka ah ku geeriyooday maxamed cabdulahi coosto gudoomiye ku xigeenkii dhanka maaliyada degmada walaweyn ee gobolka shabeleha hoose
Waxa kaloo la sheegay in weerarkaasi lagu la.ayahay laba wiil oo ka mid ah qoyska gudomiyaha ku xigeenkii maaliyada walaweyn kaasi oo gurigiisa lagu weeraray.
Maamulka gobolka shabeelaha hoose ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid alaha unaxariistee gudomiye ku xigeenki dhan maaliyadda Walaweyn iyo dhamaan dadkii ku waxyeeloobay weerarkii lagu qaaday guriga gudoomiyha uu ka dagnaa.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ku xigeenadiisa iyo dhamaan howlwadeenada maamulka waxa ay tacsi u dirayaaan dhamaan qoyska iyo asxaabta Gudoomiye ku xigeenki Degmada Wanlaweyn Maxamed Cabdulaahi Omar(Koosto) oo koox hubeysan ku weeraren hoygiisa isla markaan u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray weerarkaasi ugu dambeyntii ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Guddoomiye ibrahim aadan cali Najax.
Iskuwadada aruuriyo xalay ayay aheyd markii gurigiisa lagu weeraray gudoomiye ku xigeenkii dhanka maaliyada degmada walaweyn islamarkaasna uu dhaawac kasoo gaaray uu u geeriyooday
Waxaana la sheegay in dableeydii weerarkaasi soo qaaday ay iska baxsadeen joobta uu weerarku ka dhacay.

