Wasiirkii Amniga Gudaha Xukuumadii Raisulwasare Cali Kheyre ayaa sheegay in aan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo), laga aqbali doonin In doorashadda waqtigeeda dhaafiyo.
Isagoo maanta ka hadlay shir ay isugu yimaadeen Mudulood ayuu sheegay in Madaxweynayaashii Farmaajo ka horeeyay aysan waqti ku darsanin.
“Doorashada waa inay ku dhacdaa waqtigeeda, Hal maalin laguma darsan karo, Madaxweyne Sheekh Shariif doorashada waqtigeeda ayuu ku qabtay, Madaxweyne Xasan Sheekh sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo waa inuu raaca wadaddii Madaxdii ka horeysay,waxan arkay xalay xildhibaano shiraya oo raba in 2 sano lagu darsado. Waxaan leeyahay kuwaas Riyada kakaca, Riyaad ku jirtaan. Doorashada waqtigeeda waa in lagu qabtaa”,ayuu yiri Wasiir Islow.

