Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goordhaweyd ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.
Jugta qaraxa oo meelo kala duwan laga maqlay ayaa ka dhacday Degmadda Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
Qof isku soo xirey waxyaabaha qarxa ayaa gudaha u galay Maqaaxida Luul Yamani oo ku dhow Dekadda Magaaladda Muqdisho.
Dhanka kale Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Ruux nafti halige ah uu goordhaw isku qarxiyay maqaayadda Luul Yemani ee ku taala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir halkaas oo dad shacab ah ay ka cunteynayeen xiligaas.
“Qof Ismiidaamiye ah ayaa isku qarxiyay Maqaayadda Luul Yamani ee ku taala Degmada Xamar Jajab, wixii ka Soo kordhana Waan idinla socodsiindoonaa” ayuu yiri Afhayeenka ciidanka Booliiska Gaashaanle Saadaq Aadan.
Taliska Boolisku wali faah faahin kama bixin khasaaraha ka dhashay qaraxa cadawgu ku beegsaday maqaayadda dib ayaan idinkaga soo gudbi doonaa faah-faahinta insha allaah.

