Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Saciid C/laahi Deni oo xalay Khudbd ka jeediyay shirkii Watashiga Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda ayaa sheegay in la xaliyay khilaafkii Dowladda iyo Maamul Goboleeyadda.
Ugu horeyntii Madaxweyne Deni ayaa u Mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sida uu sheegay dulqaad iyo odaynimo ka muujiyay Shirka si loo dhammeeyo Khilaafka labada dhinac.
Sidoo kale wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in ay Dalka ka dhacdo Doorasho wakhtigeeda ku qabsoonta oo dhammaan dhinacyadu heshiis ku wada yihiin islamarkaana si xor iyo xalaal ah u dhacda.

